Ciidamada Dowladda oo dib u furay wadooyinka Magaalada Muqdisho

40

breaknews

Ciidamada Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa waxay maanta dib u fureyn wadooyinka waaweyn ee ku yaala Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Kadib shan maalmood oo xiriir ah oo uu hakad ku yimid isku socodka gaadiidka dadweynaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa goor dhaw la shaaciyay inay furan yihiin.

Wadooyinkii waaweynaa ee maalmahaanba uu hakadka ku yimid isku socodkii ka jiray, ayaa waxaa xilligaan lagu soo waramayaa inay furan yihiin, oo ay gaadiidka ka hawl galayaan.

Tallaabada wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho lagu xiray ayaa yimid, kadib markii Magaalada Muqdisho la sheegay inay soo galeen gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo raggii la socdayba.

Shacabka ku dhaqan Magalaada Muqdisho ayaa waxay soo dhaweynayaan dib u furista wadooyinka Magaalada Muqdisho, markii ay xaalad adag soo wajahday nolosha bulshada ku dhaqan Magaalada.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.