Ahlu Sunna oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan shirka London, sheegtayna inaysan ka qeyb geli doonin

61

London

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe oo taageersan Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay cadeysay mowqifkeeda ku aadan shirka 7-da bishaan ka furmanaaya Magaalada London.

Gudoomiyaha Guddiga Tallada ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Sheekh C/qaadir Cumar Aadan, oo la hadlay Saxaafada ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ahlu Sunna, aysan ka qeyb geli doonin shirka London.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sababta uu ku sheegay in shirka London ay hogaanka lee dahay Dowladda Soomaaliya, sidoo kalana ay uga dambeen doonaan shirkaasi iyo wixii ka soo baxa.

Sheekh C/qaadir Cumar Aadan ayaa wuxuu ku celiyay in Ahlu Sunna ay dhawaan ku biirtay Dowladda Soomaaliya, sidoo kalana ay qeyb ka tahay buu yiri Dowladda.

Sheekh C/qaadir ayaa wuxuu Dowladda Soomaaliya uu ugu baaqay inay xoojiso doorkeeda ku aadan Gobolada Dhexe iyo sidii looga saari lahaa Ururka Al Shabaab.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.