Ciidamada dowlada ayaa dib u qabsaday degmada Tayeglow ee gobolka Bakool kadib markii uu iska horimaad hubeysan uu ka dhex maray ciidamo ka tirsan dowlada iyo ururka Alshabaab.

Iskahorimaad hubeysan oo socday muddo saacado ah sababayna dhimasho iyo dhaawac kadib ayaa waxa ay ku guuleysteen ciidamada dowlada in ay gudaha u galaan degmada Tayeglow.

Illaa iyo hadda lama hayo warar faahfaahsan oo ku saabsan dagaalkan kadib markii hawada laga saaray isgaarsiinta degmada Tayeglow.

Hase yeeshee guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Macalin ayaa u sheegay saxaafada in ciidamada dowlada ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Tayeglow iyo deegaanka Mooro-gaabeey.

Dagaalka ayaa qarxay markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay duullaan ka qaadeen degmada Ceelbarde ayna weerareen degmada Tiyeegloow.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ayaa sidoo kale xaqiijiyay la wareegida deegaanadan ka tirsan gobolka Bakool waxana uu sarkaalkan intaa ku dara in ay doonayaan in deegaano kale ay la wareegaan ciidamada dowlada Soomaaliya.

Hase ahaatee ururka Alshabaab ayaa weli gacanta ku haya degmada Xudur ee ah xarunta gobolka Bakool iyo sidoo kale degmada Waajid oo ah magaalo muhiim ah oo ka mid ah gobolka Bakool.

Idale News Online Mogadishu