Tarsan oo shir caalami ka jeediyay Taariikhda Muqdisho & Heerka Maanta (SAWIRRO+VIDEO)

38

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa magaalada St.Gallen ee dalka Switzerland ugu qeybgalay shirweyne caalami ah oo ay kasoo qeyb galeen Madax ka socotay dalalka caalamka.

Shirkani ayaa ah kalfadhigii 43-aad ee St. Gallen Symposium, waxaana xubnaha kasoo qeybgalay ka mid ah Madaxweynaha dalka Switzerland Ueli Maurer, ra’iisul wasaare ku-xigeenka Turkiga Ali Babacan, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Jarmalka, madaxa hay’adda lacagta adduunka (IMF), Christine Lagarde iyo madax kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka mid ahaa dadkii sanadkan lagu casuumay kulankaas ayaa wuxuu khudbad uu ka jeediyay Wuxuu kaga hadlay mowduuc loogu magic-daray “Courageous Citizenship”.

Tarsan ayaa si dheer ugu hadlay Taariikhda Muqdisho leedahay, xaalada magaalada Muqdisho, dhibaatooyinkii ay soo martay iyo xaalada maanta ay tahay iyo xasiloonida ka jirto iyo dadaalada dib u dhis ee ka socda.

HALKAN GUJI SI AAD U DAAWO VIDEO-GA KHUDBADDA TARSAN

[vsw id=”YOQjEZCGDKg” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Tarsan_1

Tarsan_2

Tarsan_3

St. Gallen Symposium

 Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.