Hooyo Soomaaliyeed oo si xun jirdil ugu geysteen rag iyo dumar Kadib markii ay Gurigeeda u dhacayn (Daawo Muuqal+Warbixin)

45

bbbb

Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in si xun ay jirdil ugu geysteen rag iyo dumar cadaan ah ka dib markii ay gurigeeda ugu soo dhaceen hooyadaas.. 

Hoos Ka Daawo Muuqaal ahaan Dhacdadaan Yaab ka leh

 [vsw id=”rCdkKeiH2mo” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Hooyoadaan Soomaalid ah oo aan magaceeda la shaacin laakiinse la sheegay inay tahay 54 sano jir ku nool magaalada Minneapolis ee dalkaas Mareykanka ayaa la sheegay inay guriga iridiisa dambe ku soo garaaceen laba haween ah oo weydiiyey inuu wiilkeeda leeyahay qoriga ama bistoolad ay caruurta ku ciyaaraan, laakiin hooyadaan oo aan fahmin waxa laga hadlaayo ayaa waxay hadana ka war heshay iyadoo 3 nin oo kale ay guriga xagiisa hore si xoog ah ku soo gal;een ka dibna mid ka mid ah haweenkaa ayaa si xun dharbaaxo uga oo goysay hooyadaas, intaas ka dibna waxay ku garaaceen teloofoonka gacanta iyo waliba kirli ama jalmada iyagoona si xun ugu jirdilay hooyadaas gurigeeda dhexdiis ka dibna meeshaas isaga baxsaday, wiil yar oo ay hooyadaas dhashay oo 10 sano jir ah ayaa intaas ka dib u cararay dibada si uu kaalmo ugu raadiyo hooyadiis oo dhulka taala islamarkaana aan wax miyir ah lahayn.

Ugu dambeyntiina iyadoo hooyadaas loola cararay isbitaalka halkaasna lagu daawaayey dhaawacyadii ay u geysteen kooxdaas soo weerartey ayey hooyadaas waxay sheegtay inay qaar ka mid ah ay bar garaneyso dadkii soo weeraray oo ayna ku sheegtay inay yihiin deriskaeda, mid ka mid ah caruurta ay dhashay hooyadaas jirdilka loo geystaya yaa waxaa uu sheegay inay dhibaato uga soo carareen dalkooda, halkii ay islahaayeen waad ku badbaadaysaana ay kala kulmeen dhib kale oo qatar galinaayo noloshooda.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.