Shirkii Urur Goboleedka IGAD Oo Ka Furmay Magaalada Addis Ababa Ee Caasimadda Dalka Ethiopia

24

 

Shir madaxeedka urur goboleedka IGAD ayaa si rasmi ah uga furmay maanta magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Ethiopia.

Shirkaasi ayaa dhanka Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayadoo Madaxweynaha Wafdigiisana ay ka mid tahay Ku xigeenka Ra’isulwasaaraha Dalka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Madaxweynaha ayaa shirkaasi waxa uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dalkeenna iyo isbedellada hormarineed ee ka jira oo ay hada dowladda Federaalka ku talaabsatay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo gaar gaar ah kula qaatay magaalada Addis Ababa mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo uu ka mid yahay Ra’isulwasaaraha Dalka Ethiopia Hayle Mariam Disale oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Idale News Onlie Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.