Dowladda Switzerland Oo Abaalmarin Gudoonsiisay Duqa Magaalada Muqdisho

38

 

Dowladda Switzerland ayaa abaalmarin gudoonsiisay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Abaalmarintan ayaa waxaa lagu gudoonsiiyey Duqa magaalada Muqdisho kulan heer caalami ah oo ay ka qeybgalayaan madax ka tirsan dalalka Caalamka waxaana uu Duqa magaalada Muqdisho ku muteystay abaalmarintan marxaladii adkeyd ee uu gobolka Banaadir kasoo gudbiyey.

Xoghayaha maamulka Gobolka Banaadir Mudane C/kaafi Hilowle Cismaan oo ka mid ah wafdiga Gudoomiyaha gobolka ee ku sugan dalka Switzerland gaar ahaanna magaalada Geneva oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulankaasi uu furay Madaxweynaha Switzerland sidoo kalena ay kasoo qeybgaleen mas’uuliyiin uu ka mid yahay Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jarmalka.

Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho oo kulankaasi khudbad ka jeediyey ayaa isagana dhankiisa tilmaamay in hada magaalada Muqdisho uu ka jiro isbedel hormarineed islamarkaana mustaqbalka dhow ay Muqdisho kusoo laaban doonto sidii lagu yaqaanay arintaasina ay dowladdu la kaashaneyso dowladdo Soomaaliya saaxiibo dhow la ah.

Idale News Online Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.