Munaasabad lagu xusayay maalinta madaxbanaanida saxaafada caalamka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo ay soo qabanqaabisay ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay wasaarada warfaafinta,weriyaal iyo marti sharaf kale.

Xoghayaha guud ee ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed C/saaq Maxamed Bakistaan ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadan waxa uu ka waramay tacadiyada loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed,waxana uu xoghayaha ururka saxafiyiinta uu guul ku tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii geystay falalka dilka ah ee weriyaasha Soomaaliyeed lagula kaco maxkamad la soo taagay lana xukumay.

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdi Shakuur Cali Mire oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay ka hor tageyso dilalka iyo xad gudubyada loo geysto wariyayaasha Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in xukuumadda aysan ka hari doonin daba galna ku sameyn doonto dadka ugaarsanaya Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

3-da May ayaa waxaa loo asteeyey maalinta madax banaanida Saxaafada Caalamka, waxana dalka Soomaaliya uu kaga jiraa  kaalinta koowaad dalalka lagu dhibaateeyo Saxafiyiinta.

Idale News Online Mogadishu