Kulan ay ku yeesheen magaalada London ee dalka Ingiriiska madaxda dalalka Imaaraadka Carabta iyo Britain ayaa waxa ay ugaga hadleen xaalada dalka Soomaaliya.

Labada dal ayaa waxa ay isku raaceen in ay maalgelin ku sameeyaan sidii loogaga hortagi lahaa kufsiga loo geysto haweenka ee dalka Soomaaliya ka dhaca.

Ku dhowaaqida maalgelintan lagula dagalaamayo kufsiga ayaa waxa ay imanaysaa maalmo kahor kulanka la doonayo in loogaga hortago arrimaha dalka Soomaaliya iyadoo toddobaadkan markii ugu horeysay uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Britain madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta Shaikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, waxaana kulankan ajandayaasha loogaga hadli doono kamid ah la dagaalanka kufsiga loo geysto haweenka Soomaaliyeed.

uae_UK66

Dowlada Soomaaliya ayaa hore dhowr jeer ugu celcelisay in ay ka hortagayso kufsiga lagula kaco haweenka Soomaaliyeed. Lacagtan ayaa ah mid labada dowladood ay min hal malyan oo Pound ku deeqeyso iyadoo lacagtana la siin doono dowlada Soomaaliya si ay awood ugu yeelato inay kaga hortagto kufsiga.