Magaalada Balcad oo laga dareemayo Xiisado iyo dhaqdhaqaaqyo dagaal

60

uuuuuu

Wararka ka imaanaya magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxa ay sheegayaan in Gabi ahaan Magaaladda laga dareemayo Xiisado iyo dhaqdhaqaaqyo dagaal oo u dhexeeya Ciiddamo ka tirsan kuwa maamulka degmada iyo kuwa milateriga ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xiisadaha ka taagan Magaalada Balcad ayaa waxa ay ka dhalatay ka gadaal markii uu Iska horimaad Sabtidii la soo dhaafay labada dhinac ku dhex maray gudaha magaalada kaddib markii askari ka tirsan ciidanka milateriga ee gobolka lagu toogtay gudaha magaalada Balcad.

Xiisadda ayaa saameyn ku yeelatay isu socodka gaadiidka, ganacsiga iyo dadweynaha, waxayna dadweynuhu cabsi ka muujinayaan in mar kale lagu dagaallamo magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Balcad ayaa waxa iminka ka jira Xaalad ka duwan Xaaladihii looga bartay iyadoona waddooyinka Magaaladda lagu arkayo Ciiddamo raxan raxan u socda oo waddooyinka gaaf wareegayo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.