(DAAWO SAWIRADDA) Muhaajiriin Somali ah oo buux dhaafiyay Xabsiyadda Libya

81

yyyyyy

Wararka ka imaanaya Magaaladda Tripol ee Caasimadda Dalka Libya ayaa sheegaya in Ciiddamadda Ammaanka ee Xeebaha Libya gacanta ku dhigeen Dooni waday ku dhawaad 160 Tahriibayaal isugu jira Somali,Sudan,Ethiopia iyo Ereteria.

Doontii waday Muhaajiriinta, ayaa waxa ay ku dhex halawday gudaha Badda Libya taasi oo dhowr saacadood kadib gargaar ka helay  Markab Shidaal oo laga lahaa Dalka Turkiga oo kusii jeeday wadanka Libya.

kk

Ciiddamadda Ammaanka ee Xeebaha Libya ayaa waxa ay Jir dil u geysteen Muhaajiriintii la socday Doonida la qabtay isla markaana Xabsiga dhigay, mid kamid ah Muhaajiriintaasi ayaa shabakadda Soomaalidamaanta u sheegay in gudaha Xabsiga ay ku geeriyooden ku dhawaad 15-Ruux oo u badan Somalia, kuwaasoo uu sheegay inay kamid ahaayeen kuwii lagu soo qabtay Doonida.

kkkkk

Muhaajiriinta Xabsiga buux dhaafiyay ayaa waxa ay baaq udireen Doowlada Somalia iyo Safaaradda Soomaalida Libya, waxa ayna ka codsadeen in loo soo gurmado isla markaana laga saaro Xabsiyadda loona celsho Waddankooda Somalia.

88Si kastaba ha ahaatee, Maxaabiista ku jirta Xabsiyadda Libya ayaa waxa ay Dowladda Somalia ee uu Hoggaanka u hayo Xassan Sheikh ka codsaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabtaan xaaladda ku heysata gudaha Xabsiga.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.