Dowladda oo xil ka qaadis ku sameysay General Shariif Sheekhuna, soona magacawday Taliye cusub

44

Sheekhuna

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta xaqiijisay in xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Ciidamada Booliska ee Dowladda Soomaaliya General Shariif Sheekhuna Maye.

Golaha Wasiirada oo kulan ku yeeshay Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxay ku Ansaxiyeen in General Saacid Daahir Saacid uu yahay, Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, laguna bedelay Shariif Sheekhuna Maye.

Golaha Wasiirada ayaa waxay kaloo meel mariyeen in General Maxamed Bashiir Jaamac uu yahay, Taliyaha Ciidamada Nabad Suggida ee Dowladda, waxaana lagu soo bedelay Axmed Macalin Fiqi.

Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa wuxuu shir gudoominayaa kulanka xilligaan Golaha Wasiirada uga soconaaya Madaxtooyada.

Dhamaadkii bishii April ayaa waxaa la sheegay in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya uu bedel ku sameeyay Taliyihii Ciidamada Booliska General Shariif Sheekhuna Maye.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.