Dib u dayactir ka socota wadada isku xirta degmooyinka Wanlaweyn iyo Buurhakaba

39

 

Howlo dib loogu dayactirayo wadada laamiga ah ee isku xirta degmada Buurhakaba ee gobolka Bay iyo degmada Wanalweyn ayaa ka bilowday wadadaasi taasoo ay iska kashanayan maamulada deegaanka iyo ciidamada AMISOM.

Dayactirka wadadan ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashanaya maamulka degmada Wanlaweyn iyo ciidamada AMISOM, waxaana ka qeybqaadanaya Makinadaha loo adeegsado dhismaha wadooyinka sida Baalayasha, Katarabiilerka Garedarka iyo Ruulooyinka.

Wadada dayactiru ka socdo oo ah tan isku xirta degmooyinka Wanlaweyn iyo Buurkahaba ayaa bur bur xoog leh soo gaaray mudadii ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka Shabaab.

Dib u dayactirka wadadan ayaa waxaa soo dhaweeyay wadayaasha gaadiidka isticmaala wadadaasi kuwaaas oo sheegay iney dhibaatooyin badan ku qabeen maridda wadadaasi.

Idale News Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.