Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad u jeedinaya baarlamaanka Soomaaliyeed isagoo warbixin ka siinaya waxqabadka xukuumada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa in baarlamaanka uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo waxqabadka xukuumadiisa tan iyo markii uu la wareegay talada dalka dhamaadkii sanadkii hore.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxa ay dhagaysan doonaan khudbada madaxweynaha taasoo uu diirada ku saari doono heshiisyo ay dowladiisu dhowaan la gashay dowlado shisheeye iyo sidoo kale maamulka la magac baxay Somaliland.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu khudbadiisa sidoo kale ku soo qaato booqashadii uu dhowaan ku tegey magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Xubnaha baarlamaanka ayaa hore loogu sii sheegay in uu hor iman doono madaxweynaha 2da bishan iyadoo ay ku soo beeganta xilli ammaanka magaalada Muqdisho aad loo adkeeyay.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa lagu wadaa in ay su’aalo weydiiyaan madaxweynaha isagana uu ugaga jawaabo.

Idale News Mogadishu