Ciidamada Aammaanka iyo Kuwa Amisom oo Maanta magaalada Kismaayo ku Fashiliyay Fal is Qarxin ah oo lala Damacsanaa xarunta Jaamacadda

48

Kismaayo-1_12

Wararka naga soo gaaraya magaalada kismaayo ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka  iyo kuwa amisom ay maanta barqadii gacanta ku dhigeen haweeney isku soo xirtay Walxaha qarxa.

Haweeneydan ayaa la sheegay in ay ku wajahneed Xarunta Jaamicadda oo ay deggan yihiin Xubnha Ergada soo xulaysa Maamulka jubba Land.

Ciidamada ayaa ka shakiyay Haweeneydan oo ku Miineysneed walxaha qarxa taasoo sida warar hor u dhac ah oo aanu halkaa ka helnay ay sheegeen in ay doonaysey in ay gudaha u gasho Xaruntaas halkaasna ay isku qarxiso.

Haweeneydan ayaa markii ay Ciidanku qabteen durbaba waxa ay ka fureen walxihii ku xir xirnaa kuwaasoo u dhaa dhiciyay Saldhigga magaalada Kismaayo halkaasoo iminka lagu hayo iyadoo baaritaano ay ku socdaan.

 Af hayeenka maamulka ku meel gaarka Kismaayo  Cabdinaasir Seeraar oo qabashada haweeneydaas kaddib shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyay Haweeneydaas maanta gacanta lagu dhigay.

Cabdinaasir seeraar ayaa Saxaafadda u sheegay in haweeneydan ay ka mid tahay cadowga loo soo adeegsaday Carqaladeynta ammaanka Magaalada iyadoo go’aankeedu yahay in si dhaqsa ah loo Toogto waa siduu hadlka u dhigaye.

Ma aha markii u horeeyay ee Ciidamada maanka ee Kismaayo iyo kuwa amsiom ay fashiliyeen isku day kanoo kale ah iyadoo horraantii bishii aynu soo dhaafnay sidan oo kale ay Ciidanku gacanta ku dhigeen haweeney iyaduna sidan oo kale walxaha qarxa isku soo xirtay  taasoo doonaysey inay isku qarxiso Xarunta Jaamicadda iyadoo Ciidanku gacanta ku dhigay kaddibna loo gudbiyay Saldhigga oo illaa iyo iminka ay ku xiran tahay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.