Masuuliyiinta Sare ee Dowladda oo u tartamaaya afurinta Odey-Dhaqameedyada

28

Afurka joogta ah oo madaxda sare ee dowladda u sameynayaan odey-dhaqameedyada ku howlan soo xulista barlamaanka ayaa noqdey arrin ka yaabisey shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare C/weli & qaar ka mid ah xukuumadiisa  ayaa xalay afur u sameeyey iyagoo kulamo gooni gooni ahna la yeeshey odayaashaasi ka hor,  ka dib iyo intii lagu guda jirey afurka.

Loolanka siyaasadeed iyo galaangalka madaxda sare ee dowlada kaligood ku leeyihiin odayaashaasi ayaa  ujeedadiisu tahay in odayaashu soo xulaan xubno barlamaan oo ku taageera sidii  tartanka madaxtinimada Soomaaliya ay mar kale ugu guuleysan lahaayeen.  

Masharaxiinta kale ee u tartameysa madaxtinimada Somalia ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeeyey Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Barlamaanka iney yihiin musharaxiin  dhaqaale faro badan ku bixiya la kulanka odayaasha  iyagoo sidoo kalena sheegey in hantida Qaranka ay isticmaalayaan musharaxnimadooda.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa qaba in madaxda sare ee dowlada marna xil iska saarin afurinta agoonta iyo masaakiinta Soomaaliyeed ee aan haysan wax ay ku noolaadaan, gargaarka kaliya ay helaana ama afurinta masaakiinta Somaliyeed iyo barakacayaasiba uu uga yimaado hay’ada si gaar loo leeyahay, ganacsato Soomaaliyeed  iyo dalalka Islaamka sida Turkiga iyo wadamada Carabta.  

Shacabka Somalia ayaa aad uga niyad jabey hab dhaqanka madaxda sare ee dowlada, waxayna sheegeen in marnaba aysan ka rajo qabin in  madaxda sare ee dowladda in ay yihiin kuwa Somalia ka samatabixin kara xaalada ay hadda ay ku jiraan ,in  dib loo soo doortana tahay nasiib daro Somalia mar kale soo wajahdey.

Xafiiska warqabadka Idalenews Mogadishu
waxaa  qoray
Siyad Macalin Axmed
email: Siyad_Abukara@otmail.com

You might also like More from author

Comments are closed.