Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagey Xarunta Somali National Fishing Company

50

r

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu maanta uu hawlo kormeer leh uu ku tagey Xarunta Somali National Fishing Company.

Madaxweynaha iyo wefdi kaloo la socday ayaa waxay maanta in muddo ahba ay soo joogeen Xarunta Somali National Fishing Company, iyagoo u kuur galay sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen waxa halkaasi ka soconaaya.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id halkaasi ku qabtay ayaa wuxuu ka hadlay maraakiibta shisheeye ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay guranayaan Kheyraadkii Ummada Somaliyeed.

Madaxweynaha ayaa wuxuu ku cel celiyay inaysan Dowladda Soomaaliya aqbali karin, in maraakiibta shisheeye ay xaalufiyaan Kheyraadka Badda ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Maraakiibta ay magaca kooxaha burcad badeeda ee Soomaaliya, ku xaalufinayaan buu yiri Kheyraadkii Badda ee Ummada Soomaaliyeed.

Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay ayaa wuxuu sheegay inay suura gelin doonto, sidii Xeebaha Soomaaliya oo idil loo ilaalin lahaa, si ay u nabad galaan Kheyraadka ku jira Badda.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.