Ciidamada Amisom oo maanta xiray Idaacada Codka Bartamaha

55

 

Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa waxay maanta ilbaabada u laabeen Idaacada Codka Bartamaha, iyadoo aan si sax ah looga warqabin waxa keenay inay xiraan.

Idaacada Codka Bartamaha oo ku taala Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa xiray Ciidamada Dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah Ciidamada Amisom.

Milkiilaha idaacada Codka Bartamaha Axmed Sheekh Nuur Cirra, ayaa sheegay in barqanimadii maanta ay ciidama Jabuutiyaan ah ay tageen xarunta Idaacada, kuna amreen in Idacada hawada laga saaro.

Sidoo kale wuxuu inaysan ogeyn sababta dhabta ah ee ciidmaada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay u xereyn Idaacada , isgoona intaa ku daray in ciidamada AMISOM ay horay u ka xeysteen tafatiraha iyo agaasimaha idaacada oo ay saldhiga gobalka su’aala ku weydiinayaan.

Waa markii ugu horeysay oo Ciidamada Amisom ay xiraan Idaacada Codka Bartamaha ee Magaalada Baladweyne, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Gobolka Hiiraan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.