Dagaalo iyo duqeymo ka soconaaya Garoonka Magaalada Kismaayo iyo madaafiic ku dhacday Isbitaalka Garoonka

60

Kismaayo-1_12

Dagaalo iyo duqeymo ayaa waxay xilligaan ka soconayaan Garoonka Magaalada Kismaayo, oo ay deggan yihiin Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, balse ka socda Dowladda Kenya.

Ciidamada Al Shabaab ayaa waxay maanta duqeymo xoogan ay ku soo qaadeen Garoonka Magaalada Kismaayo, oo ay ku sugan yihiin Ergayda ka qeyb qaadaneysa shirka Maamul U Sameynta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ururka Al Shabaab ayaa waxay weeraro gaadmo leh ay ka soo qaadeen dhinaca hawdka ee Garoonka Magaalada Kismaayo, halkaasii habeen horena ay ka soo qaadeen.

Ciidamada Al Shabaab ayaa waxay iska caabin daqiiqo kadib ay kala kulmeyn Ciidamada Dowladda Kenya, iyadoo uu xigsaday dagaalo labada dhinac ay noocyada kala duwan ee hubka isku adeegsanayaan.

Isbitaalka ku yaala Garoonka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa goor dhaw ku soo dhacay madfac la sheegay inay soo tuureyn Ciidamada Al Shabaab, iyadoo aan wax badan laga ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.