Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo socdaal ku maraya qaar ka tirsan Gobolada Mareykanka Atlanta ee Georgia, West Virginia iyo North Carolinam ayaa khudbado ka jeediyay jaamacado, kaasoo ku baxeysay luqada Ingiriiska.

isagoo sidoo kale kulamo la qaatay masuuliyiin ay ku jiraan qaar horay xilal uga soo qabtay dalka Mareykanka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka uu tagay

Sheekh Shariif ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Ambassador Charles R. Stith oo ah madaxa machadka African Presidential Center ee jaamacada Boston, William Twayigize oo ah President-in-Residence Attache oo ka mid ah shaqaalaha jaamacad Boston iyo Cumar Shariif oo ah kaaliyihiisa.

DSC02358

Khudbaddiisii ugu horeysay ayuu mudane Shariif Sheekh Axmed ka jeediyay jaamacada Morehouse Collage oo ku taalo magaalada Atlanta, Georgia, Khudbadda oo afka Ingiriiska uu ku jeediyay cinwaankeeduna ahaa Soomaaliya iyo mustaqbalkeeda (Somalia and it’s future) wuxuu uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dalka Somaliya. Jaamacda taariikhiga ah ee Morehouse Collage ayaa lagu xasuustaa halgamaagii waynaa ee arimaha xuuqda insaanka gaar ahaan dadka madowgaa Mareykanka Martin Luther King.

DSC02421

Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiinta jaamcadda iyo madax hore oo ka tirsaneyd dowalda Mareekanka oo uu ka mid yahay Ambassador Andrew Young oo ahaa danijrihii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Mareykan xilligii madaxwayine Jimmy Carter, sidoo kale wuxuu ahaa duqa magaalada Atlanta 1982-1990.

DSC02480

Sidoo kale madaxwaynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbed ka jeediyay jaamacadda Elizabeth City State University(ECSU) oo ku taalla gobolka North Carolina, taas oo uu uga hadlay waxbrashada Afrika gaar ahaan waxbrashada Soomaliya, iyadoo jaamacaddu ay guddoonsiisay haddiyado kuna amaantay marxaladdii adkeyd ee uu kasoo saaray Soomaaliya, isla markaana ku guuleystay in uu dalkiisa ka saaro ku-meel gaarkii muddada dheer uu ku jiray iyo doorashadii dimoqoraadiga ahayd ee dalka Soomaaliya ka dhacday sanadkii hore.

DSC02481

Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Boston iyo Atlanta, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tusaale u noqday dimoqoraadiyadda qaaradda Afrika kaddib markii uu xilka degay sanadkii hore markii looga adkaaday doorashadii ka dhacday dalka Soomaaliya.

DSC02485

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa bishii Janaayo ee sanadkan tagay dalka Mareykanka, isagoo jaamacadda Boston ka bilaabay kororsi waxbarasho, sidoo kale wuxuu cilmi-baaris ku sameynayaa arrimaha Ammaanka, Waxbarashada iyo dimoqoraadiyadda Soomaaliya.

DSC02493DSC02497DSC02544DSC02554DSC02559DSC02576DSC02580DSC02586DSC02592DSC02602DSC02612DSC02619DSC02642DSC02842

Si aad  u daawato video ga click linkigaan ku sii http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=AbtY1Q9xMn0

Idale News Mogadishu