Ciidamada XDS ee ku sugan B/weyne oo loo qeybiyay lacago mushaar ah

29

 

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta lacago mushaar ah u qeyb biyay Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada B/weyne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka iyo sarakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maanta lacago mushaar ah u qeybiyay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada B/weyne kuwaas oo dhawaan tababar ku qaatay B/weyne.

Cabdi Faarax Laqanyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo hadal ka jeediyay xeradii ciidanka loogu qeybinaayay Mushaarka ayaa sheegay in lacagta maanta loo qeybiyay ciidamada ay tahay lacago ay maamulka ugu talagaleen ayna u dhiman tahay lacagtii ay ugu talagashay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya.

Waxa uuna intaasi ku daray in ay wadaan howlo badan oo lagu hormarinayo ciidanka XDS si gobolka ay uga  xoreeyaan maleeshiyaadka kooxda shabaab.

Idale News Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.