Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Shaqaalaha Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyey Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Caalamka…WARSAXAAFADEED

76

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa hambalyo u aadan munaasabadda 1da May ee maalinta shaqaalaha Aduunka u diray shaqaalaha Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “anigoo ka faa’ideysanaya munaasabadan maalinta shaqaalaha caalamka ee ku asteeysan 1da bisha May waxaan halkaan hamybalyo ugu dirayaa shaqaalaha Soomaaliyeed guud ahaan meel kasta oo ay joogaan waxaanna leeyahay HAMBALYO”

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku ammaanay shaqaalaha Soomaaliyeed daruufaha adag ee ay ku shaqeynayaan iyo sidii ay ugusoo dhabar adeegeen marxaladihii kala duwanaa ee dalka soo maray maadaama ay shaqaalaha Soomaaliyeed kaalin mug leh ku lahaayeen isbedelka hormarineed ee dowladnimada xambaarsan oo ay haatan heytaan shacbiga Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa xusay in Golaha Shacabka oo ah Baarlamaanka Dalka ay ku dadaali doonaan sidii mar walba loo ilaalin lahaa xuquuqda qofka shaqaalaha ah islamarkaana ay ka go’antahay Baarlamaanka in qof walba oo shaqaale Soomaaliyeed ah uu helo xuquuqdiisa waxaana uu ku booriyey guud ahaanba Shaqaalaha Soomaaliyeed iney sii wadaan shaqadooda.

Idale News Mogadishu

“anigoo ku kalsoon kartidiina iyo dhabar adeegii aad soo muujiseen mudadii uu dalku ku jira marxaladihii adkaa iyo kaalintii lama ilaabaankaa ahaa ee aad ku laheydeen isbedelka dowladnimo ee maanta jira waxaan idinku boorinayaa walaalayaal inaad sii wadaan shaqadiina hagar la’aanta ah”ayuu kusoo gebagebeeyey hambalyadiisa ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka ee 1da May Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

You might also like More from author

Comments are closed.