War Xasaasi ah:Xarigii Abu Mansuur Rooboow

0

Gudi loo xil saaray inay kasoo xog keenaan kana shaqeeyaan Sii deynta Abu Mansuur Rooboow ayaa waxay shaaca ka dhigeen maanta in caqabado badan ay hor istaageen.

Waxay Gudigaasi sheegeen inay fashil kusoo dhamaatay dedaalo lagu sii deyn lahaa Mukhtaar Rooboow iyadoo Gudi Xildhibaano ah ay shaaca ka dhigeen inay arintaasi ay ka xun yihiin.

Gudiga waxay ku Eedeeyeen Dawlada Federaalka Soomaaliya inay ballan ka bax ku sameysay,markii marar badan ay sheegtay inay gudigooda wax uqabaneyso si loo sii daayo Rooboow Abu Mansuur.

Beesha caalamka ayey ugu baaqeen inay arintaas soo fara geliyaan maadaama ay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo,Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal,Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta gareen intuba ay waxba ka qaban Afduubka ay sheegeen gudigaasi in lagu sameeyey Abu Mansuur Rooboow.

Advertisement

Xildhibaan Maxmaed Cadoow oo ka mid ah Baarlamaanka K/Galbeed ayaa ku Eedeeyey Dawlada inay ballan ka bax ku sameysay,isagoo fariin udiray Beesha Caalamka.

 

 

You might also like More from author

Comments are closed.