Galmudug oo Mowqif adag ka qaadatay Guddi ay Magacowday Xukuumadda Kheyre

Wasiirka Wasaarada Awqaafta iyo arimaha Diinta ee Galmudug Cabdishakuur Al-Badri oo xalay  Shir jaraa’id ku qabtey magalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegay in wasaarada Awqaafta iyo rimaha diinta ee heer Federaal aysan ka tala galin maamulka Galmudug arimaha xajka ee sanadkaan, islamarkaana aysan ka helin qoondadii ay kulahaayeen.

Wasiir Cabdishakuur ayaa dowladda Federaalka ugu baaqay in qoondadii ay kulahaayen xujeyda sanadkaan ay ku soo wareejiso maamulka Galmudug.

Sidan oo kale wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee maamulka Puntland ayaa maalin ka hor war ka soo baxay waxaa lagu sheegay in  maamulka Puntland uu ka soo horjeedo

Advertisement

Sanadihii danbe waxaa uu muran badan hareeyay arimaha xujeyda Soomaaliya kuwooda ay suurta gasho  in ay soo xajiyaan, sanadkii hore ee 2018 ayaa lagu xasuustaa in xujeyda soomaaliya duulimaadyadooda uu ku yimid dib udhac weyn ka dib markii uu khilaaf hareeyay shirkadaha duulimaad ee qaadanaya qandaraaska daabulaada xujeyda.

Comments are closed.