{Video} Axmed Madoobe oo eedayn ujeediyay DF iyo Beesha Caalamka

Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo maanta booqday tuuladda Cabdalla Biroole ee gobolka Jubda Hoose ayaa kormeeray Saldhiga Ciidanka Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ay halkaas ku leeyahiin.

Axmed Madobe oo khudbad ujeediyay cutubyo kamid ah ciidamada ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in kooxda Al-Shabaab laga xoreeyo degaanada ay kaga sugan tahay gobolka.

“Waxayna dooneynaa inaan isku furno degaanadeena naga maqan oo ay ku jirto caasimada maamulkeena,” ayuu Madaxwaynuhu yiri, isaga oo intaasi raaciyay “howlgalka aan qaadayno waa mid dhab ah”.

Isaga oo sii hadlaya ayuu ku eedeeyay dowlada Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo taliska AMISOM ay ka cagajiidayaan sidii xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida loogu wiiqi lahaa dagaalka sii dabadheeraaday.

“Muddo afar sano ah ayaan sugaynay dowlada Federaalka, AMISOM iyo Beesha. Waxaan hadal ahaynin ma ahayaan, marka degaanka aniga ayaan leh waynu isku tashaynaa, cidii nasoo raaceysa hanaga dabatimaado,” ayuu raaciyay Axmed Madobe.

Ugu dambeyntii, Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa ic-laamiyay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab kaasi oo ay si gaar ah uqaadi doonan ciidamada dowlad goboleedkaan xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya xili la filayo in Jubbaland ay gasho bilooyinka soo aadan doorashada Madaxwaynaha, taasi oo Madaxtooyada Soomaaliya daneeneyso inuu kusoo baxo siyaasi ay iyada wadato.

Comments are closed.