Ciidamada Dowladda oo hawlgalo aan caadi ahayn ka wada Muqdisho, markii baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay la soo geliyay Caasimada

62

hawl gal

Ciidamada Dowladda ayaa waxay maanta hawl galo aan caadi ahayn ay ka wadaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo waramayaa in la soo geliyay laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, oo la sheegay in la soo geliyay Gobolada deriska la ah Caasimada.

Arintaan ayaa waxay keentay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay hawl galo ballaaran ka bilaabaan Magaalada Muqdisho, waxayna ku soo qab qabanayaan dad la tuhmaayo.

Ciidamada Dowladda ayaa waxay maanta wada xireyn inta badan wadooyinkii waaweynaa ee ku yaalay Magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen inaysan baabuurta isticmaali karin.

Ciidamada ayaa waxaa la arkayaa iyagoo taataagan wadooyinka waaweyn, dibna u celinaaya gaari kasta oo isku daya in uu ka gudbo wadooyinka.

Hawl galadaan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay boqolaal ruux oo qaarkood lagu tuhmay Ururka Al Shabaab, waxaana weeye hawl galada ka soconaaya Magaalada Muqdisho mid barbar socda wadooyinka xiran.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.