DAAWO Khudbadii Caaqil C/lahi Raabi oo ugu Baaqay Soomaalida in ay iska qabtaan Farmaajo iyo Khayre

0

Kulankii sanad laha ahaa ee Jubbaland 2018 oo lagu qabtay magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa waxaa ka soo baxay baaqyo kala duwan oo looga hadalyay dareenka shacabka reer Jubbaland ee ku nool qurbaha.

Kulankaas oo ay hadlaan dad badan ayaa waxaa ka mid  ahaa dadkii ka hadlay Caaqil Cabdullahi Raabi oo ka sheegay kulanka in MW Farmaajo halis ku yahay qaranimada iyo midnimada Soomaaliya. Waxaaana uu kula taliyay MW Farmaajo in uu ka waantaabo qorshaha ah in la isku diro dadka walaalaha ee ku dhaqan Jubbaland. Caaqilka ayaa sidoo kale tacsi u diray shacabke reer Koonfur Galbeed oo lagu tuntay sharafkoodii iyo karamadoodii ka dib markii dusha laga saaray hogaan ayan ayagu  dooran. Isaga oo ka hadlaya Jubbaland ayuu yiri “Jubbaland ma aha deegaan uu Farmaajo dusha uga keeni karo qof  sidii baarashuutka lagu duulo oo kale, hadii uu isku dayana balaayo ayaa ka raacdi doonto”.

Halkan ka daawo qudbadihii shirka Jubbaland 2018:

 

You might also like More from author

Comments are closed.