Daawo War hadda soo dhacay: Gudiga Doorashada Madaxweynenimo Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqey in Doorashada dib loo dhigey

Shir jaraa’id oo Saxaafadda Magaalada Baydhabo ay Maanta  ugu qabteen Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxa ay ku shaaciyeen inay dib u dhigeen Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa sheegay balanta doorashada qabsoomideeda inay aheyd 5-ta Bishan, suuragalna aysan noqon karin in doorashada ay waqtigaasi ku dhacdo.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in 19 bishan (December) la qaban doono doorashada Madaxweynaha, iyagoo u sababeeyay howlaha baaxada leh, waqtiga ay heystaan iyo shaqooyinka qabyada ee u baahan in muddo cayiman gudaheed lagu qabto.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in markii ay ogaadeen martida caalamiga ah iyo xubnaha goobjooga ka noqonaya doorashada aanay ku wada imaan karin waqtigii loogu tala galay oo Aheyd December 5-teeda, sidaa darteed ay Doorashada ay dhici doonto December 19-keeda-

HOOS DAAWO MUQAALKA 

 

 

 

 

Comments are closed.