Puntland oo toogatay 13 ruux oo ay haweeney ku jirto

73

breaknews

Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxay maanta xukun dil toogasho leh ay ku fuliyeen 13 ruux, oo ay ku jirto haweeney.

Ciidamada Puntland ayaa waxay goor dhaw dadkaan ku toogteen fagaare ku yaala Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Maxkamada Gobolka Bari ayaa waxay horey dadkaan ugu wada xukuntay xukun dil toogasho ah, ka gadaal markii ay Maxkamada cadeysay inay ka wada tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.

Dadka maanta lagu toogtay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku jirta haweeney, oo iyadu horey u qiratay inay ka tirsan tahay Ururka Al Shabaab, oo uu dagaal kala dhaxeeyo Puntland.

3 ka mid ah dadka la toogtay ayaa waxaa ku cadaatay inay ka dambeeyeen dilkii Sheekh Axmed C/raxmaan, oo dhamaadkii sanadkii 2011-kii loogu geystay Magaalada Boosaaso.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.