Wararkii ugu dambeeyay Ciidamada Amisom iyo Ciidamada Al Shabaab oo Degmada Janaale ku dagaalamay

63

Amisom33

Dagaalo culus ayaa waxay maanta ka dhaceen Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna dagaaladaan geysteen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidmada Ururka Al Shabaab ayaa waxay saakay dagaalo culus ay ku soo ekeeyeen fariisimaha Ciidamada Amisom, ay ku lee yihiin aafafka hore ee Degmada Janaale.

Labada dhinac oo dagaaladaan isku adeegsaday qeybaha kala duwan ee hubka, ayaa waxay sababeen khasaarooyin dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeedba leh.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Al Shabaab si xoog leh looga saaray goobihii ay daafacyada kaga jireyn, kadib markii iska caabin culus ay Ciidamada Amisom kala kulmeyn.

Dhinacyadii dagaalamay ayaan weli ka kala hadlin dagaaladaan oo saameyn ku yeeshay dadka Deegaanka, iyadoo dadka Deegaanka laga soo xigtay in dagaaladaan looga gacan sareeyay Shabaab.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.