Dhageyso: Nabadoon Xasan Xaad: “Waxa Kismaayo ka socda Waa Munkar Inuu Barre Hiiraale ka hortago waa nala quman tahay, anigaaba sidaas aaminsan”

52

Maxamed Xasan Xaad

Afhayeenka odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Muqdisho Nabadoon Xaaji Maxamed Xasan Xaad oo Wareysi gaar ah siiyay mid ka mid ah warbaahinta gudaha Soomaaliya ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan Jubbooyinka iyo deeganada Puntland.

Nabadoonka ayaa ugu horayn ka hadlay Shirkii ka dhacay magaalada Garowe oo qodobo kamid ah la isku mari waayay, wuxuuna Nabadoonku sheegay in wax walba wada hadal lagu dhameeyo.

Sidoo kale wuxuu sheegay arimaha Jubbooyinka in looga danbeeyo dowladda Soomaaliya, isagoona Tibaaxay dad aan u dhalan Jubbooyinka in ay faraha kula jiraan Maamul dhisida, wuxuuna ugu baaqay in ay Furad siiyaan dadka deegaanka u dhashay.

“Dadka ka yimid NFD iyo Kilil-5aad waxaan leenahay Furad siiya dadka deegaanka in ay aayahooda ka tashadaan maamulna ay samaystaan” ayuu yiri Xaad oo hadlayay.

Dhinaca kale mar aan wax ka waydiinay eedaymo ay u jeediyeen qaar kamid ah Salaadiinta Puntland oo odayaasha Muqdisho ku eedeeyay in ay soo abaabuleen Barre Hiiraale booqashadii kimaayo ayuu ku tilmaamay hadalkaasi mid aan laga fiirsan isla markaana wuxuuna sheegay barre in uu yahay Muwaadin u dhashay deeganada Jubbooyinka xaqna uu uleeyahay in uu tago Kismaayo, isagoona dhinaca kale soo dhaweeyay booqashada Coll Barre Hiiraale ee Kismaayo.

Dhageyso Wareysiga Xaad:[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/04/Nabadoon-Xaad.mp3]

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.