Inta badan wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada Muqdisho ayaa saaka gebi ahaanba xiran, iyadoo aanay jirin wax dhaq dhaqaaq ah oo gaadiidkadadweynaha oo isticmaalaya wadooyinka.

Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid ayaa wadooyinka qaarkood ku sugan, waxaana la sheegayaa in dhowr meelood ay ka xiran yihiin.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa la sheegay inay ka xiran tahay Madaxtooyada ilaa Garoonka diyaaradaha, sidoo kale wadada ka timaada Tarabuunka iyo dhinaca Isgoyska banaadir ayaa si la mid ah u xiran.

ammaanka

Dadweynaha ayaa loo fasaxay inay lugeyn karaan kaliya oo aanay wax gaadiid ah isticmaali karin, waxaana arrintan ay saakay saameyn ku yeelatay ardayda iyo dadka subaxdii goobahooda shaqo u kalaha.

Sidoo kale xirnaanshaha wadooyinka ayaa waxay saameyn ku yeelatay isu socodkii gaadiidka ee Muqdisho ka baxa iyo kuwa soo gala oo gebi ahaanba xaniban.

Warar qaar ayaa sheegaya in wafdi heer caalami ah saaka ku soo fool leeyahay magaalada Muqdisho, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin.

Inkastoo mudooyinkii u dambeeyay ay ahaayeen kuwo aan inta badan wadooyinka la xiran xilliyada madaxda dowladda dhoofayaan ama soo degayaan, hadana xirnaanshaha wadooyinka ee saakay ayaa dadka dib u soo xusuusineysa sanadkii 2011, xilligaas oo ay Soomaaliya imaanayeen wafuud caalami ah oo wadooyinka loo xirayay.

 

Idale News Mogadishu