Koofur Galbeed:Guddiga doorashada Madaxweynaha oo la magacaabay

53

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Sheekhuna Maye ayaa magacaabay Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo Guddigan uu diyaarin doono doorashada dhici doonta bisha soo socota.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa lagu shaaciyay magacyada 15 xubnood oo ah Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, kuwaasoo ah Xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed.

Guddigan ayaa soo saari doona jadwalka doorashada iyo shuruudaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha soo socota ee November, iyadoo Musharaxiin dhowr ah ay taagan yihiin.

You might also like More from author

Comments are closed.