Duqa Muqdisho oo War Kasoo Saaray Dilkii Marxuum Axmed Dowlo

44

Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa waxay Xalay Xabsiga Dhigeen seddex Qof oo la sheegay inay ka dambeeyeen dilkii bishii hore loo geystay Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax Oo Loo yaqaanay (Axmed Dowlo).

Howlgalka ayaa Ciidamada Booliska ay sameeyeen waxa la sheegay in lagu qabtay Tiradaasi oo la sheegay inay ka dambeeyeen Dilka Gubida loo adeegsaday ee 20 Bishii September loo geystay Marxuumka,kuwaas oo laga qabtay Xaafad ka mid ah Degmada Yaaqshiid.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Eng, C/raxmaan Cusmaan Yariisoow oo Xalay soo dhigay Qoraal Bartiisa Xiriirka Bulshada Ee Facebook ayuu kaga hadlay Qabashada Shakshiyaadkani.

Waxa uu sheegay Gudoomiye Yariisoow inaysan ogolaan doonin Cadaalad daro islamarkaana Dambiilaha uu ka baxsado Sharciga sida uu warka udhigay.

“Maamulka Degmada Yaqshid iyo Booliiska waxey ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan 3 qof oo geystay falkii waxashnimada aheyd ee loo geystay Marxuum Axmed Dowlo. Waxaan u Mahadcelinayaa shacabka oo kaalin weyn ka geystay soo qabashada. Waqtigii danbiile baxsan jirey oo shacabka ku dhex dhuuman jirey wey dhamaatay”.

Sikastaba ha ahaatee Dilka Axmed Dowlo ayaa salka ku hayey Guur ku saleysnaa Isir Naceyb iyadoo Soomaalidu aad uga xumaadeen falkaasi dhacay.

You might also like More from author

Comments are closed.