Maxkamadda Ciidamada ayaa 8 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay

44

Dable Boolis Maxamed C/kariin C/llaahi oo la sheegay inuu caan ku ahaa dhaca Mobile-lada ay dadka wataan.

Askarigan ayaa laga soo qabtay degmada Hodan, waxaa la sheegay inuu dhac u geysanayay dadka ka soo baxa Masjidka salaada subax iyo kuwa u socday

Ciidamada Booliska degmada Hodan ayaa gacanta ku soo dhigay askarigan, markii dadka deegaanka ay ku soo wargeliyeen dhibaatada uu shacabka ku hayay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa soo bandhigtay Mobile-ladii uu dadka ka dhacay iyo cadeymo la xiriira inuu dhibaato badan ku hayay shacabka ku nool degmada Hodan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray cabashooyin badan oo ay soo gudbinayeen dadka ku dhaqan qaar ka mid xaafadaha magaalada Muqdisho oo ahaa dhibaatooyin ay ku qabaan kooxo burcad ah oo dhac u geysanaya habeenkii.

You might also like More from author

Comments are closed.