Augustine Mahiga oo lagu bedelay nin u dhashey Dalka Ingiriiska

38

Ban-Ki-Moon, Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey ayaa maanta u magacaabey Mr Nicholas Kay oo u dhashey dalka Britain inuu bedelo wakiilkiisa gaarka ah ee Arrimaha Somalia.

Mr. Kay waxaa uu beddelayaa Danjire Augustine Mahiga, oo shaqadiisa dhameysanaya 3da bisha June ee sannadkan. Xoghayaha Guud ee QM ayaa amaaney shaqadii wanaagsaneyd ee uu muddada 3da sano ka soo qabtey Somalia, taas oo horseeddey dhismaha dowlad rasmi ah oo ka hanaqaaddey Somalia.

Ergeyga cusub ee la magacaabey, waxaa haatan uu yahay Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Britain.

 

Idale News Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.