Wafdiga Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho Dib ugu laabtey iyo qodobo heshiis ah oo laga soo saarey shirkii Garowe

33

Shirkii Garoowe uga socdey Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa la soo gabagabeeyey iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane C/raxmaan Faroole ku qodobo dhowr ah halka qodobada aan lagu heshiinin la sii wado wadatashyada iyo kulamo dheeraad ah oo lagu sii lafaguro.

Waxyaabaha ay ku heshiiyeen ayuu ku sheegey madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole in yihiin:

1-Dib u heshiisiinta iyo Midnimada Somaaliyeed in loo maro wadahadal.
2-Nabadgelyada dalka iyo sidii loo mideyn lahaa ciidamada .iyadoo la dhisayo gudi farsamo oo hawshaasi qaabilsan.
3-Heshiiskii DF iyo Puntland ay galeen bishii hore in sidiisa lagu socodsiiyo,lana dedejiyo dhismaha maamulada dalka.

Qodobada la sheegaaayo in Madaxeynaha dowlada Federaalka iyo Maamulka Puntland isku afgaranwaayeen ayaa waxaa ka mid ah Shirka Soomaalida ee London ka dhici doona bisha May iyo Maamul U Sameynta Jubbaland oo dowladu mowqif adag ka istaagtey, iyadoo Puntland dooneysey in madaxweynaha taageero howsha hadda socota ee maamul u sameynta labada Jubba iyo Gedo.

Dhageyso Madaaxda oo Gunaanadkii shirka qabtey shir-jaraa’id:
[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/04/Cododka-madaxwaynayaasha-Soomaaliya-iyo-Puntland.mp3]

Waftiga Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa goordhow dib ugu soo laabtay Magaalada Caasimada

11_17 12_18 13_13 14_9 15_7

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.