Dowladda oo sheegtay in gacanta lagu soo wada dhigay dhamaan raggii dilalka ka geysanaayay Degmada Yaaqshiid

53

 

tuugo

Maamulka Dowladda Soomaaliya ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu xaqiijiyay inay gacanta ku soo dhigeen raggii dilalka qorsheysan ka geysanaayay Degmada Yaaqshiid.

Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir Muxudiin Xasan Jurus, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay, dhamaanba raggii dilalka ka geysanaayay Degmada Yaaqshiid.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu tibaaxay in hawlgal qorsheysan ay Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ay ka wada fuliyeen Xaafada Carafaat ee Degmada Yaaqshiid, laguna soo qab qabtay 20 nin oo Al Shabaab ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in raggaan loogu daatay guryo ku yaala Xaafada Carafaat, xilli uu sheegay inay raggaasi wada jiifeen.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom ayaa wuxuu xaqiijiyay inay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan waxa uu ugu yeeray dambiile-yaasha.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.