Muqdisho:Nin Dhalinyaro ah oo Saaka lagu Toogtay Yaqshid

38

Saakay aroortii hore ayaa waxaa meydka Nin dhalinyaro ah lagu arkay nawaaxiga Xaafada uu ku yaalla Saldhiga degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Wadaa dhinaceeda la soo dhigay ninka meydka ah,isal markaana lagu soo dilay guri ku yaalla meel u dhow Saldhiga,kadib markii gurigaas uu u dhacay.

Qof ka mid ah dadka ku nool Xaafadaas ayaa sheegay in ninka Guriga uu u dhacay uu deganaa Nin askari ah,isla markaana markii uu Guriga u dhacay sidaasi lagu dilay,meydkiisana la geeyey Saldhiga booliska degmada Yaaqshiid.

Waa mid ka mid ah dhacdooyinka isdaba jooga ah ee maalmahaan ka dhacayey Magalada Muqdisho,welina Maamulka degmada iyo laamaha amniga weli kama hadlin meydka saakay lagu arkay nawaaxiga Saldhiga booliska degmada Yaaqshiid.

You might also like More from author

Comments are closed.