General Bariise ayaa kueedeeyay qaar kamid ah mas’uuliyiinta dalka inay ku lug leeyihiin amni darrada ka jirta magaalada

17

Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal cabdullaahi Xasan Bariise ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah mas’uuliyiinta dalka inay ku lug leeyihiin amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho.

General Bariise ayaa sheegay in mararka qarkood falalka amnidarro ah dadka ay u qabtaan Ciidamada Booliska ay jiraan mas’uuliyiin dadkaasi dambiilayaasha ah daafaca.

“Dhabtii waxaad arkeysaa markii ciidamada booliska gacanta ku soo dhigaan rag falal amnidaro ka geysta muqdisho inay ka daba imaanayaa mas’uuliyiin ha ahaan saaraakiil ciidan iyo kuwo kale iyaga oo qofkaas difaacaya.” ayuu yiri Taliye Bariise.

Taliye Bariise ayaa sheegay in ciidamada Booliska haddii loo madax baneeyo inay amniga magaalada Muqdisho ay ka adkaan lahaayeen.

Warka ka soo yeeray Taliyaha hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee ciidanka Booliska ayaa ku soo beegmaya iyadoo ammaanka magaalada Muqdisho faraha ka baxay ayna xildhibaanada baarlamaanka dood dheer ka yeesheen amniga magaalada Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.