Muqdisho:Xildhibaan Boorow oo Gacan uga go’ay Qaraxii xalay & Railwasaraha & Masuuliyiin kale oo…

155

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya ,ayaa ku booqday Isbitaalka Digfeer dhaawaca Xildhibaan Boorow.Dhaqaatiirta Isbitaalka Digfeer ayaa madaxdaan warbixin ka siiyay xaaladda Xildhibaanka, waxayna sheegeen mid ka mid ah gacmihiisa inuu ku waayay qaraxa Xildhibaanka lala eegtay gaarigiisa.

Xildhibaan Boorow ayaa qaraxa uu ku dhaawacmay waxa uu ku xirnaa gaarigiisa, waxaana la xaqiijiyay inuu geeriyooday darawalkii Xildhibaanada gaariga u waday.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inuu Alle uga baryaayo caafimaad deg deg ah inuu siiyo Xildhibaanka.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya Aadan Isaaq, ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan qaraxa dhacay ee gaariga Xildhibaanka lagu xiray.

Waxa uu sheegay Hay’addaha dambi baarista Booliska Somaliya ay wadaan Baaritaankaasi, si loo ogaado meesha Xildhibaanka Qaraxa gaariga looga soo xiray.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaasi gaariga loogu xiray Xildhibaan Boorow oo hadda lagu daaweynaayo Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.