Gudoomiyaha Barlamaanka Somalia Prof Jawaari oo kulan la qaatey Qaar ka mid ah waxgaradka Digil iyo Mirifle Ee Qurbaha

29

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan balaaran la qaatey qaar ka mid ah aqoonyanahada iyo waxgarad ka soo jeedo qowmiyada Digil iyo Mirifle, kulankaasoo ka dhacey hotelka gudoomiyaha degan yahay ee Swiss ee magaalada Ankara.

photo (24)photo (25)photo (26)photo (26)

photo1photo5 photo3 photo4 photo2

photo

 

Kulanka dhexmarey Prof Jawaari  iyo xubnaha aqoonyanada ee ka kala yimid Midowga Yurub, Mareykanka iyo gudaha Turkigaba ayaa lagu lafagurey arrimo ay ka mid yihiin dedejinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,  horumarnta gobolada koonfur galbeed, taageerada qowmiyada Digil iyo Mirifle ee shirka Soomaalida ee London ka dhici doona bisha May iyo guud ahaan doorka dowlada ee dhismaha maamul u sameynta dalka iyo Midnimada dalka.

Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa aad ugu riyaaqey talosoo jeedinta iyo aragtida aqoonyahanada, waxuuna sheegay in marka hore loo baahan yahay in la iska kaashado adkeynta nabadgelyada, isla markaasna xooga la saaro sidii loo mideyn lahaa dadka deegaanka ku wada nool iyadoo  laga ambaqaadaayo  nabadeynta deegaanada taasoo suurtogalineysa in la dhiso maamul cadaalad ku dhisan dadkuna ay ka wada muuqdaan, ugu dambeyntiina horseedi karta gargaarka iyo mashaariicda kale ee horumarinta dalka in la gaarsiiyo guud ahaan tuulo iyo deegaan kasta.

Idale News Ankara, Turkey

 

 

You might also like More from author

Comments are closed.