Video:-Shariif Xasan Sheekh Aadan”Shirkii Kismaayo Guul Ayuu Kusoo Dhamaadey

44

Kadib shirkii Golaha iskaashiga Dowlad Gobaleedyada oo kismaayo lagu soo gaba gabeyey ayaa soo dhaweyn u ekeyd Midii ugu danbeysey oo loo sameeyo Shariif xasan Sheekh aadan Madaxweynaha kg oo mar kale u sharaxan xilka Madaxweynimo Doorashada dhowaan la qorsheynayo ayaa loogu sameyey garoonka Diyaaradaha shaati gaduud erboorti ee magalada Baydhabo isaga iyo Wafdigii kismaayo la tagey.

Boqolaal Dadweyne oo qeybaha kala duwan ee bulshada baydhabo isugu jira ayaa garoonka kusoo dhaweeyey’ sida lagu yaqaaney Gadiid laguma soo galbin ee dadweynahii soo dhaweyey ayaa la lugeeyey ilaa xarunta Madaxtooyada ka gaarayay.

Gudoomiyaha Barlamaanka Koonfur Galbeed cabdiqaadir shariif sheekhuna maye ayaa mar soo dhaweynta Madaxweynaha ka hadlayay waxaa uu sheegey in wixii kasoo baxay shirkii Kismaayo ladhacsan yihiin wuxuuna sheegey iney soo dhaweynayaa kabaarlamaan koonfur galbeed ahaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed shariif xasan Sheekh aadan ayaa sheegey in Go,aankii kismaayo ay  ku gaareen golaha iskaashiga Dowlad Goabledyada in keliya xal u arkeen maalmihii Kismaayo shirka uga socdey.
Shariif xasan ayaa hadalkiisa kadib aan weydiiyey Shirka Madaxweynaha Soomaaliya maxamed cabdulaahi farmaajo uu ku baaqey ee golaha amniga qaranka iney ka qeyb galayaan iyo in kale,wuxuu yiri cid nagu soo war gelisey malahan kama war heyno.

Waxaa kaloo la weydiyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed arinta xisaab xirka ee dhanka maaliyada iney sameynayaan iyo in kale,wuxuu uu yiri Facebooga ayaa laga sheegayay laakin nama qoseyso.

W/Q: Wariye Muxidiin Xasan Maxamed (Xusni) Xafiiska Wararka Wadaninews24.com Ee Magalada Baydhab.

You might also like More from author

Comments are closed.