DEGDEG: Guddoomiyihii Degmada Xamarweyne oo la sii daayey (Daawo Hadal uu jeediyey]

53

Guddoomiyihii degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir Cumar Shariif Jeeg oo dhowaan shaqada laga joojiyey, lana xiray ayaa la sii daayey.

Sii deynta Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne ayaa waxa xaqiijiyey ehelkiisa oo sheegay in gacantii Caddowga uu kasoo baxay sida ay sheegeen, waxayna intaas ku dareen si gardarro ah loo shirqoolay, laguna xiray markii uu xaqiiqada sheegay.

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujiyey guddoomiye Cumar Shariif oo ku dhex jira odayaal iyo dad ehelkiisa ah, iyadoo ay  ka muuqato duruuftii xabsiga, waxayna arrintan ka danbeysay olole weyn oo ay  galeen beeshiisa iyo dad kala duwan.

Guddoomiyaha la sii daayey ayaa isna hadlay oo sheegay in xarigiisa uu ahaa shirqool, wuxuuna u mahadceliyay dadka Soomaaliyeed iyo inta ka qeyb qaadatay sii deyntiisa, isagoo sheegay inuu dalku leeyahay madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare caadil ah.

Ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha dowladda Soomaaliya oo ka hadlaya qaabka loo sii daayey iyo sababtii loo xiray.

You might also like More from author

Comments are closed.