Ciidamada Dowladda oo xoog kula wareegay gacan ku heynta Degmada Ceel Garas

63

breaknews

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay goor dhaw oo maanta ah ay dagaalo culus kula wareegeen gacan ku heynta Degmada Ceel Garas ee Gobolka Bakool.

Degmada Ceel Garas oo ku dhaw Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, ayaa waxaa maanta dagaalo culus ku soo qaaday Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda iyo Ciidamada Al Shabaab ayaa waxay dagaalo faraha looga gubtay ay ku dhex mareyn Degmada Ceel Garas, waxaana Ciidamada Al Shabaab lagu khasbay inay isaga baxaan.

Taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolada Baay iyo Bakool Col. Xasan Baydhabo, ayaa wuxuu Saxaafada uu u xaqiijiyay in gacanta Dowladda ay soo geliyeen Degmada Ceel Garas.

Taliyaha ayaa wuxuu kaloo sheegay in Ciidamada Al Shabaab ay ka carareyn meydad badan oo uu sheegay in dagaalada looga laayay, halka kuwo kalana uu sheegay inay horey u sii qaateen.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.