Daawo Sh. Mukhtaar Roobow oo loogu Baaqay inuu Degdeg isugu Sharaxo Xilka madaweynaha K/galbeed Somaliya

48

Shacabka ku nool maamul goboleedka k/galbeed soomaaliya oo isu diyaarinaya doorashada madaxweynaha cusub ee maamulkaasi , ayaa siyaabo kala duwan u arka shaqsiga qaban doona hogaaminta maamulka K/galbeed Soomaaliya.
Shacab & waxgarad aad u badan ayaa rumaysan in Sh. Mukhtaar Roobow Cali uu yahay hogaamiye culus oo haysta inta badan kalsoonida dadweynaha ku dhaqan K/galbeed soomaaliya, uuna mudan yahay inuu isu soo sharaxo qabashada xilka madaxweynaha K/galbeed .
Illaa iyo hadda ma jirto war cad oo kasoo baxay Sheekh Mukhtaar oo ku saabsan wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Sheekhu u tartami doono doorashada xilka madaxweynaha K/galbeed. Balse dadweyne fara badan ayaa ugu baaqay Sh. Mukhtaar inuusan lumin fursada dahabiga ah ee kalsoonida ay ku qabaan shacabkiisa uuna hormuud u noqdo is-bedel ka dhaca maamulka K/galbeed .
Sh. Mukhtaar haddii uusan ka faa,iidaysan kalsoonida shacabka & jaceelka ay u qabaan hoggaamintiisa iyo kartidiisa oo uusan u istaagin sidii uu uga dul qaadi lahaa dhibka & caddaalad derada ay ku hayaan Madaxweyne Shariif Xasan & maamulkiisa ku kooban garoonka Shaati gaduud ee Baydhabo. Hadii Sh. Mukhtaar uu lumiyo xilligaaan aadka loogu baahan yahay waxay ku noqon doontaa nasiib daro uu in badan ka sheeeeyn doono.

Hadaba hoos ka daawo qaar kamid ah shacabka Koonfur galbeed oo ka codsanaya inuu Sheekhu si dedeg ah isu soo sharaxo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA 

You might also like More from author

Comments are closed.