Raa’isal Wasaarihii hore oo sheegay in mashruuc lagu soo qaatay dilalka Suxufiyiinta iyo kufsiga haweenka

61

Geedi

Raa’isal Wasaarihii hore ee Xukuumadii Kmg ahayd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, ayaa wuxuu si kulul uu uga hadlay dilalka joogtada ah ee Suxufiyiinta lagu haayo iyo kufsiga lagula kaco haweenka.

Wuxuu sheegay inay jiraan rag mashruuc ku soo qaatay dilalka Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo weliba haweenka masaakiinta ah, wuxuuna sheegay inay sii socon doonaan, haddii aan laga hortagin.

Suxufi kasta oo ka hadla kufsiga loo geysanaayo haweenka Soomaaliyeed, ayaa wxuuu sheegay inay jiraan rag u diyaar ah inay dilaan, isla-markaana sababta loo dilaayo ayuu ku sheegay mid lagu aamusiinaayo.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay xiriir lee yihiin dilalka Wariye-yaasha iyo haweenka Somaliyeed, iyadoo sida uu sheegay ay arintaan tahay mid ay dhaqaalo ku soo qaateen dad gaar ah, sida uu yiri.

Cali Maxamed Geedi ayaa wuxuu Taliska ammaanka ee Dowladda uu faray inay arintaan si deg deg ah wax uga qabtaan, haddii kalana mar kasta la maqlo doono Suxufi la dilay iyo haweeney la kufsaday.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.