Madaxweyne Xasan Sheekh “Hubka anaga nala siiyo uma adeegsaneyno Maamulada dalka, ee Al Shabaab ayaan u adeegsaneynaa”

41

Xasan Sheekh

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu meesha ka saaray in hubka ay Beesha Caalamka ka helaan, inay u adeegsanayaan Maamulada Gobolada ee dalka.

Madaxweynaha oo khudbad dheer xalay ka jeediyay shirka ka soconaaya Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, ayaa wuxuu ka cadeeyay in hubka ay Al Shabaab oo kaliya u adeegsanayaan.

“Hubka anaga nala siiyo uma adeegsaneyno Maamulada dalka, ee Al Shabaab ayaan u adeegsaneynaa. Cadowga dalka cid kasta way ogtahay inay Al Shabaab tahay.” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay inay cid kasta dan ugu jirto in dalka iyo dadka Soomaaliyeed laga qabto, waxa uu ugu yeeray argagaxisada.

Prof. Xasan ayaa wuxuu tilmaamay in Soomaalida oo idil ay u baahan tahay in laga fogeeyo kooxda Al Shabaab, oo uu ku eedeeyay inay halis daran ku tahay Soomaaliya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.