Nin ganacsade ah oo si arxandaro leh loogu dilay Gobolka Hiiraan

48

dil

Nin ganacsade ah oo Deegaan ahaan ka soo jeeda Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxaa xalay lagu dilay inta u dhaxeyso Degmada Matabaan iyo Deegaanka Bacda ee Gobolka Hiiraan.

Xilli ganacsadaha uu la socday gaari xamuul ah oo ka yimid dhinaca dalka Itoobiya, ayaa waxay rag hubeysan gaarigii uu la socday ay ku joojiyeen inta u dhaxeyso Matabaan iyo Bacda.

Raggaan ayaa waxay daqiiqado kadib ay ninkaan ku dileen wadada hareeraheeda, isla-markaana waxay rasaasta ugala dhaceen madaxa iyo feeraha.

Raggaan ayaa waxay ninkaan dilay isagoo ku qaylinaaya magaca Alle, sidoo kalana Ashahaadanaaya, iyadoo wax lala yaabay ay noqotay, sababtii ka dambeysay in la dilo oo aan la garaneyn.

Ragga dilka geystay ayaa waxay Deegaan ahaan ka soo jeedaan Xarunta Gobolka Hiiraan ee Magaalada Baladweyne, mana jirto cid ka hadashay dilka ninkaan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.