Kulan lagu taageerayey dib u furida wadooyinka magalada mogadisho oo manta kadhacey hotel SAYID ee magaalada moga disho

63

Shir ay isugu yimaadeen odayaal iyo salaadiin katirsan dhaqanka soomaaliyeed ayaa si diiran looga soo dhoweeyey  talaabadii uu qaadey madaxweynaha  dowlada federalka soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo amar ku bixiyey in dib loofuro wadoonyinka magaalada mogadisho oo beryihii danbe xirnaa.

Shirkan oo kadhacey Hotel Sayid ee Magaalada Mogadisho ayaa waxaa uu dhacey duhurnimadii manta kulanka  kadib ayaa odayaasha waxey soo saareen war murtiyeed ka koobnaa Lix( 6) qodob wuxuuna u qornaa sid tan;-

WAR-MURTIYEED

KULANKA ODAYAASHA DHAQANKA SOOMAALIYEED

MUGADISHO-24-LUULIYO2018

  1. Anagoo ah Odayaasha dhaqanka soomaaliyeed waxaan bogaadineynaa talaabadii uu qaadey madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane maxamed Cabdullahi Farmaajo oo furey  wadooyinkii xirnaa taas oo shacabka magaalada mogadisho dhib weyn ku qabeen  waxaana sidoo kale ugu baaqayaan xukuumada in ay fuliso amarka oo markale la arqaladeynin shacabka soomaaliyeed.
  2. Waxaan kaloo amaaneynaa tilaabooyinkii dib loogu celiyey xeryahoodii ciidamada xasilinta iyadoo lugu bedeley ciidamo habdhaqankoodu wanaagsanyahay.
  3. Odayaasha dhaqanka soomaaliyeed Guud ahaan waxey Garab istaagayaan ciidamada udataagan  ilaalinta karaamadooda  iyo sharaftooda iyagoo usoo gudbinaya xog waliba oo kusaabsan kooxaha qaswadiyaasha ah.
  4. Odayaasha dhaqanka soomaaliyeed waxey walaac kamuujinayaan shaqa joojintii lagu sameeyey Teliye Kuxigeenka 2aad Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka mudane Cabdalla Cabdalla waxeyna odayaasha si xushmad leh uga codsanayaan teliyaha nabadsugida in uu shaqadiisa ufasaxo si waajibkiisa qaran uguto.
  5. Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed waxey ugu baaqayaan maamulada Soomaaliland iyo Puntland eek u dagaalamaya Tuko raq in ay si deg deg ah ujoojiyaan colaada wada hadalna ay ku dhameeyaan wixii kahilaaf oo jira.
  6. Ugu danbeyn odayaasha dhaqanka soomaliyeed waxey ugu baaqayaan madax weynaha dowlada federalka soomaaliya in uu xoojiyo wada teshiyada uu laleeyahay shacabiga soomaaliyee

WABILAAHI TOWFIIQ

You might also like More from author

Comments are closed.